Home Warar Feysal Waraabe:-“Farmaajo iyo Gaas ayaa Hurinaya Colaada Gobolka Sool”,

Feysal Waraabe:-“Farmaajo iyo Gaas ayaa Hurinaya Colaada Gobolka Sool”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaal shalay ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Feysal ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay qaadeen tilaabo horay loogu baahnaa,isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ku haysay shacabka deegaankaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan booqasho ku jooga Puntland iyo madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayuu sheegay in ay hurinayaan colaad ka dhacda Gobolka Sool,islamarkaana ay dusha saaran doonaan wixii ka yimaada.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay dagaal kula wareegay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland.