Home Warar Feysal:-“Hala Joojiyo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya”,+Dhageyso

Feysal:-“Hala Joojiyo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya”,+Dhageyso

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha UCID ee Maamulka Somali-land ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha ayaa ugu mahadceliyay dalka Guinea sida uu u qaabilay Wafdiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku jooga dalkaas.

Faysal waraabe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya istaahilin in loogu jawaabo go’aanka ay qaadatay,islamarkaana ragga fadhiya madaxtooyadda ay yihiin ciyaal sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid lala yaabo,islamarkaana uu yahay mid waxba soo kordhinaynin.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi markuu dalka kusoo laabto in uu hakiyo Wada-hadalka  Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Faysal, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo xubno kale ay doonayaan in ay soo celiyaan xukunkii Maxamed Siyaadda Barre,islamarkaana ay ku sheekeystaan sidii Somaliland loola wareegi lahaa sida Maamul goboleedyada.