Home Warar Feysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yiri Wiilkiisa oo Duqeyn Lagu Dilay?

Feysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yiri Wiilkiisa oo Duqeyn Lagu Dilay?

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wararka ku aadan wiil uu dhalay oo la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya, kasoo ka tirsanaa Daacish.

Waxa uu sheegay in wiilkaasi uu dhintay, islamarkaana uu qaatay fakirka Kooxda Daacish,ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Wiilka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Faysal, waxaana lagu dilay  duqeyn ka dhacday goob isaga iyo koox ka tirsan Daacish ay ku wada sugnaayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray isaga.

Shalay Wargeysyo kasoo baxa dalka Syria ayaa daabacay in duqeyn lagu dilay Xuseen Faysal Cali Waraabe,taasoo dhacday dhamaadkii sanadkii aynu soo dhaafnay 2017-kii..