Home Warar Fartoon:-“DFS Waxay Wadaa Kala Fogaanshaha Somaaliya iyo Somaliland”,

Fartoon:-“DFS Waxay Wadaa Kala Fogaanshaha Somaaliya iyo Somaliland”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso kala fogaanshaha Soomaaliya Iyo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in awoodaha ay isticmaalayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muujinayaan Cadowtooyo hor leh oo labada dhinac ay ku kala fogaadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo Dowladda Somaliya ay ka cunaqabateysay Somaliland, sidaasi ay tahayna wali ay sii wado waxyaabo sabab u ah in Somaliland ay ku sii fogaato.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay maalintii kahmiista aheyd Jamhuuriyadda Guinea.

Sababta ay Soomaaliya Xiriirka ugu Jirtay Guinea ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku sheegay in dalkaasi uu ku xad-gudbay Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.