Home Warar Faroole oo Hadalo Kulul Hawada U Mariyay Gaas+Dhageyso

Faroole oo Hadalo Kulul Hawada U Mariyay Gaas+Dhageyso

SHARE

Muqdish(Gundhig)-Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole, oo warbaahinta kula hadlayay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, ayaa ka hadlay colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Farole, ayaa shirkiisa jaraa’id ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay xuduuda ay wadaagaan gobollada Sool iyo Nugal, gaar ahaan deegaankaas oo Qabsashadii Laascaano kadib Kastam u ahayd xukuumadda Puntland.

Senator, ayaa cambaareeyay tallaabada Somaliland ku qabsatay deegaankaas iyo xilliga lagusoo beegay oo ahaa waqtiga Madaxweynaha Soomaaliya uu boogasho ku joogay magaalada Garoowe.