Home Warar Faroole:-“MW Farmajo Bambo Ayuu Kusoo Dhex Tuuray Aqalka Sare”,!

Faroole:-“MW Farmajo Bambo Ayuu Kusoo Dhex Tuuray Aqalka Sare”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa eedeen u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa si adag uga horyimid Xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir oo ay ansixiyeen Baarlamanka Soomaaliya.

Sen. Faroole, ayaa ku eedeeyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya in hab qaldan ay u mareen ansixinta Xeerka Mataaladda Siyaasadeed ee gobolka Banaadir, kaas oo qeexaya in Gobolka Banaadir Aqalka sare laga siiyo 13 xubnood.

Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku eedeeyay, in ay isu xulafaysteen sidii loo meel-marin lahaa Xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir, oo uu ku tilmaamay mid baal marsan Dastuurka Dalka.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu sidoo kale Farmaajo ku eedeeyay in uusan aqoonsanayn Aqalka Sare ee Baarlamanka, sidaas darteedna uu doonayo in uu qalalaase siyaasadeed ka abuuro Aqalkaas.