Home Warar Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Caawa Kulmaya

Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Caawa Kulmaya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa caawa kulan ku yeelanaya Madaxtooyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyay kulanka caawa dhacaya.

“Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland,Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay,waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah”,ayuu yiri agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya.