Home Warar Farmaajo oo u Hanjabay Dadkii Banaan-baxa Ka Dhigay Muqdisho!

Farmaajo oo u Hanjabay Dadkii Banaan-baxa Ka Dhigay Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay banaanbaxyadii maanta ka dhacay muqdisho,kadib markii askari ka Tirsan Dowladda Soomaaliya uu dilay wiil Mooto Bajaajle ahaa iyo abtigiisa Isgoyska Holwadaag.

Isagoo la hadlayay haween iyo Carruur la isku keenay xarunta degmada Wartanabadda ayuu sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka,

Madaxweyne Farmaajo ayaa hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladiisa ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto dadka banaanbaxyadda ka dhigaya magaaladda Muqdisho.

“Wax kastoo dhaca dowladd ayaad leedihihiin, dowladii aad doorateen anagu doorasho ayaan ku nimin qofkii wax tabanaya maaha inuu cadaaladda gacantiisa ku qaato, ma aha inuu burburiyo hantida ganacstada,ama aha inuu gacan siiyo caddowga aan la dagaaleyno Shabaab, wadaddii caddeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso umadda Soomaaliyeed way socotay, hore ayaan u soconeynaa shacabkeena ayaan u adeegeynaa,danley yeysan been idin sheegin,Soomaaliya waxa meesha dhigay waa dad qabiileystayaal ah oo qabiil ku shaqeysta,annagu ma ogolaaneyno wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed in mustaqbalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dadka siyaasadda Falanqeeya ayaa hadalka Farmaajo ku tilmaamay mid niyad jab ah,islamarkaana looga baahnaa madaxweynaha in uu tacsi u diro qoysaska dadkii lagu laayay Banaanbaxyadda, halkii uu u hanjabi lahaa.