Home Warar Farmaajo oo Taliyeyaasha & Maamulka G/Banadir Ka Dalbaday Inay is casilaan

Farmaajo oo Taliyeyaasha & Maamulka G/Banadir Ka Dalbaday Inay is casilaan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed C/laahi (Farmaajo), ayaa kulan xasaasi ahaa la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo afarta Taliye ee Ciidamada , Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaha Booliska G/Banaadir iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo qaraxyadda kusoo batay Magaaladda Muqdisho oo ay geysanayaan Shabaaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaara canaan ugu jeediyey Taliyeyaasha saldhiyada Booliska degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo mas’uuliyiinta, isagoo ka careysnaa amniga faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho,

Wuxuuna si cad ugu sheegay Madaxweyne Farmaajo  in dadkii iyo hantidooda ay isku dul baaba’een magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu yeeray haddii aysan waxba ka qaban karin amnigainay xilalkooda banneeyaan.

“Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan, Haddii aadan waxba ka qaban karin amniga fadlan ka hor wareega shacabka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo wajigiisa ay ka muuqatay carro xoog leh,uma dulqaadan karo waxa socda, macquul maahan, hadii ay caqabad jirto maxaa idinka hortaagan inaa soo gudbisaan”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.