Home Warar Farmaajo oo Sanadkaan Ka Qayb Galaya Shirka Golaha Qaramada Midoobay

Farmaajo oo Sanadkaan Ka Qayb Galaya Shirka Golaha Qaramada Midoobay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qaybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka dhacaya Magaalada Newyork.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlayay shir ka dhacay magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu shirkaasi sanadkaan ka qayb galayo.

Waxa uu sheegay in shirkii Magaaladda Baydhabo loogu diyaar garoobayay shir ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha caalamka  dhawaan kaas oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

“Waxaa soo socda Shirkii la isugu imaanaayay ee Somaliya & Beesha Caalamka Xamar Bisha dambe bilowgeeda, diyaargarowga Shirka & Is xogwareysi ayaa laga hadlaayay, Shirka Qaramada Midoobay ayuu Madaxweynaha aadi doonaa, waxaana rajeynayaa inay wax fiican ay ka soo baxaan.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sano aynu soo dhaafnay ka qeyb galin shirarkii Golaha guud ee Qaramada Midoobay,sababo la xiriiray Baasaboorka Mareykanka uu haystay.