Home Warar Farmaajo oo Lagu Tilmaamay Hogaamiye aan Damqasho iyo Damiir Lahayn.

Farmaajo oo Lagu Tilmaamay Hogaamiye aan Damqasho iyo Damiir Lahayn.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu tacsi xitaa u quuri waayay dadkii xalay ku dhamaaday qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay hogaamiye aan damqasho iyo damiir naxa lahayn.

”Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro! Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay ilaa hada Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin” ayuu yiri Xildhibaan Mahad.