Home Warar Farmaajo oo La Sheegay in uu Cunaqabateyn Saaray Somaliland

Farmaajo oo La Sheegay in uu Cunaqabateyn Saaray Somaliland

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qaar kamid ah Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somali-land ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Dhexe.

Xildhibaanadda iyo Sanataradda ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo hogaamiya dowladda haatan jirta uu Somaliland saaray cunaqabateyn tan iyo markii la doortay.

Dhanka kale Xildhibaanadda waxa ay beeniyeen hadalkii Raisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay fasaxday Markabkii ku xayirnaa Dekedda Jeddah ee Xoolaha siday.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Farmaajo uu cunaqabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo markii la doortay,islamarkaana dowladiisa ay burburisay heshiisyaddii ay horay u wada gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.