Home Warar Farmaajo oo Kulan Albaabadda u Xiran La Yeelanaya Deni iyo Axmed Madoobe

Farmaajo oo Kulan Albaabadda u Xiran La Yeelanaya Deni iyo Axmed Madoobe

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Madaxweynayaasha Maamuladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta lagu wadaa in shir albaabadda u xiran yahay  ay ku yeesheen Madaxtooyadda Soomaaliya.

Labadda Madaxweyne ayaa shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho,kadib markii xubnaha beesha caalamka ay dalab u gudubiyeen,kaasi oo ku aadan in ay yimaadaan magaaladda Muqdisho.

Shirka maanta ayaa la sheegay in kaliyah uu dhexmari doono madaxweynaha Soomaaliya, iyo Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland,waxaana ka maqan Madaxda Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo Gobolka Banaadir.

Arrimaha shirkaan loogu hadlaayo waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka, oo labadda Maamul ay ka hor yimaadeen heshiiskii Dhuusa-mareeb 3.