Home Warar Farmaajo oo Joojiyay Barnaamij Loogu Hadlaayay Maqaamka Gobolka Banaadir!

Farmaajo oo Joojiyay Barnaamij Loogu Hadlaayay Maqaamka Gobolka Banaadir!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Amar kasoo baxay madaxtooyadda Soomaliya ayaa hawada Loogu saaray Barnaamij xalay loogu hadlaayay Maqaamka Gobolka Banaadir kaasi oo live ka ahaa Telefishinka Somaali Cable xaruntiisa Magaaladda Muqdisho.

Barnaamijkaan ayaa waxaa daadihinayay Wariye Xasan Cadde waxa uuna ka socday xarunta Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir, qodobka ugu weyn ee loogu hadlaayay ayaa ahaa Maqaamka gobolka banaadir iyo sababtii loo baajiyay Shirkii Nabadeynta gobolka banaadir ee 7-dii bishaan  lagu balansanaa in uu ka dhaco magaaladda muqdisho.

Intaas kadib Madaxtooyadda Soomaliya ayaa wacday ninka leh tv-ga Somalia cable  kaasi oo lagu macaabo Dhuubow waxaana la hadlay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxaana uu ka dalbaday in arintaas la joojiyo oo kicin bulsho ay tahay waxii Tv ga Dowlada uga baahan yahayna la xaliyo.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku diidan tahay in aayahooda ay ka tashadaan bulshadda Gobolka Banaadir, wuxuuna horey u baajiyay shirkii Nabadeynta gobolka ka hor inta uusan u duulin Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.