Home Warar Farmaajo oo Guddi u Magacaabay Dagaalkii Beledweyne+Dhageyso

Farmaajo oo Guddi u Magacaabay Dagaalkii Beledweyne+Dhageyso

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi baaritaan sameeya u magacowday dagaalkii shalay ka dhacay Duleedka magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu magacaabay Guddiga baaritaanka sameynaya.

Guddiga Madaxweynaha uu magacaabay, ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Taliyaha Ciidamadda Asluubta Somaliyeed, sidoo kalena waxaa qayb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan wixii shalay ka dhacay Degmadda Beladweyne.

“Waxaa shalay ka dhacday Magaaladda Beledweyne israsaaseyn, taas oo qayb ka yihiin Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Sirdoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya ayaa maanta magacaabay Guddi aan aniga Gudoomiye ka ahay, sidoo kalena Xeer ilaalinta maxkamadda ay qayb ka tahay & xubno kale, taasi iyadana aan ku sameyn doono baaris, sababtoo ah meeshaas waxaa ku dhintay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska, waxaa kale oo ku dhaawacmay Saraakiil kale.”ayuu yiri Bashiir Goobe.