Home Warar Farmaajo oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo+Sawirro

Farmaajo oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo,iyadoo mas’uuliyiin iyo boqolaal kamid ah shacabka magaaladaasi ay soo dhaweeyeen.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana la filayaa wafdiga madaxweyanaha in uu la kulmo madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo uga bilaabanaysaa booqasho uu ku marayo deegaano ka tirsan Galmudug,ka sokow Gaalkacyo waxaa lafilayaa in madaxweynuhu uu tago magaalada Cadaado iyo deegaano kale.

Maalmihii la soo dhaafay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya wuxuu socdaal ku kala bixinayay deegaanada Maamulka Puntland,booqashadaasi oo uu maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyey.