Home Warar Farmaajo oo Dalab u Direy Mucaaradka Dowladda

Farmaajo oo Dalab u Direy Mucaaradka Dowladda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay soo wajahday Mucaaradad kala duwan.

Dadka Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Dowladda ayuu sheegay in ay caqabad ku yihiiin horumarka iyo dib ugu soo kabashada marxaladiii uu soo maray dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Mucaaradka in la taageero Dowladda halkii laga soo horjeysan lahaa.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dalbaday in loo daayo waqtiga loo doortay Dowladda federaalka, isagoona sheegay in sharci Soomaalida ka dhigteen in Xukuumadd waliba oo lasoo dhiso aanan Sanad dhaafin.

Isqab-qabsiga ayuu ku tilmaamay in ay dan ugu jirto dhinacyada Dowladda kasoo horjeeda, oo uu tibaaxay in ay ka faaiideystaan xiliyadaasi.