Home Warar Farmaajo iyo Muuse Biixi oo Kulan Ku Yeeshay Magaaladda Addis Ababa

Farmaajo iyo Muuse Biixi oo Kulan Ku Yeeshay Magaaladda Addis Ababa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa magaaladda Addis ababa kula kulmay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ilo Lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Labadda Mas’uul ay Kulan qaatay 1-saac ay ku yeesheen Xafiiska Raisulwasaraha Dalka Ethopia Abiy Axmed.

Ilaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen,Labada Madaxweyne.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.