Home Warar Farmaajo iyo Maamul Goboleedyadda oo isku Fahmi La’ Doorashadda!

Farmaajo iyo Maamul Goboleedyadda oo isku Fahmi La’ Doorashadda!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dib u dhac ayaa ku yimid wajiga labaad ee Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada oo maanta lagu waday in uu ka furmo magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Madaxda Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa kulamo joogto ah ku leh Magaaladda Dhuusa-mareeb waana sababta keentay in shirka dib u dhaco.

Sidoo kale dhinacyadda ayaa isku fahmi waayay arrimaha doorashooyinka oo Maamul Goboleedyadda ay doonayaan in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu muujinayo inuu xoogaa ka soo dabcay mowqifkisii adkaa ee ahaa qof iyo cod, islamarkaana doonayo in waqti la siiyo oo aan la dedejin, shirarka gaar gaarka ahna sii socdaan inta farsamo ahaan wax la is waafajinayo.

Dhanka kale Hogaamiyeyaasha ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulamada gooni-gooni ah inta ay isaga soo dhowaanayaan, wadar-ogolna uga gaarayaan qodobada xudunta u ah is-mari-waaga taagan.