Home Warar Farmaajo:-“Dowladd Dhexe ayaan Doonaynaa ee Federaal Ma Doonayno”,!

Farmaajo:-“Dowladd Dhexe ayaan Doonaynaa ee Federaal Ma Doonayno”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

“Waddankeennu wuxuu soo maray duruufo kala duwan, waxa uuna maanta marayaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn.”

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen in dib loo furo Jaamacadda Ummadda iyo in la helo dhallinyaro waxbaratay oo ka qayb qaadata dib u dhiska dalka ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada dalka.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay aragtidiisa Federaalka iyo asalka khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo xilligan gaaray heerkii ugu xumaa.

Waxa uu sheegay in khilaafka taagan inuu yahay dood socota oo la xiriira nooca Federaal ee dalku ku shaqeynayo.

“Annagu waxaan niraahnaa federaalka ah saxda ah annagaa ah, maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh,waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo leh ciidan dalka difaaci kara, Dowlad-dhexe dhexe oo arrimo dibedeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo socdaalka iyo xuduudaha ilaalisa. Waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh oo dhaqaaleheeda iyadu maamusha, dowladda dhexe ee aan rabno waa noocaas,anigana waxaan u arkaa in aan federaalka taageersannahay, Wixii ka soo horjeeda taas waa federaal-diid” ayuu yiri oo intaa ku daray dowlad goboleedyadu ay leeyihiin shaqo waajib ah oo ah in ay adeegyada bixiyaan”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.