Home Warar Fahad Yaasiin oo u Hanjabay Xildhibaan Shabaab-nimo Ku Eeedeeyay!!

Fahad Yaasiin oo u Hanjabay Xildhibaan Shabaab-nimo Ku Eeedeeyay!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ku-simaha Agaasimaha hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Fahad Yaasiin ayaa ka Carooday su’aalo kulul oo uu weydiiyay Mid kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrin dacwadda Ku-xigeenkii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla uu ku soo oogay shaqsi ahaantiisa oo ku saabsaneyd inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo sida Fahad Yasiin loogu aamini karo xilka sare ee NISA.

Fahad yaasiin oo ka carooday su’aasha xildhibaanka ayaa Guddoonka Baarlamaanka ka dalbaday inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogo.

“Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo, Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taa hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Dhanka kale Agaasime Fahad yaasiin ayaa sheegay in Ku-xigeenkii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla uu bixiyay sirta qaranka sidaasna shaqada looga eryay.