Home Warar Faarax Qare:-“Ciidamadda Dowladda ayaa Xoog iiga Haysto Gurigeyga”,

Faarax Qare:-“Ciidamadda Dowladda ayaa Xoog iiga Haysto Gurigeyga”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliyihii hore ee Ciidamada Badda Soomaliyed, haddana ah Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ay kala wareegeen hoygiisa.

Faarax Qare oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda ay haatan xoog ku haystaan gurigiisa oo ku yaala Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir,islaamarkaana laga saaray dad masaakiin ah oo sanadihii dambe daganaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu haysto Dukumentiyo cadeynayo in uu isaga leeyahay guriga,islamarkaana muddo 56 sano ahna uu dowladda u shaqeyneyay oo uu diyaar u yahay inuu gurigiisa dowladda ku wareejiyo haddii ay u baahato oo la weydiisto.

Arintaan ayaa imaanaysa xili mudooyinkii dambe ay soo bateyn dadka ka cabanaya in guryo xooga loogu haysto,waxaana Dowladda haatan jirta ay awoodi waysay in ay xaliso cabashadda shacabka.

Dhawaan maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegatay in cidii baraha bulshada kusoo bandhigto cabasho ay hantida kala wareegi doonto Dowladda.