Home Warar Faarax Macalin:-“Waa Wax Laga Xumaado Cadaadiska Kenya ee Soomaaliya”,

Faarax Macalin:-“Waa Wax Laga Xumaado Cadaadiska Kenya ee Soomaaliya”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax macalin ayaa si kulul ugu hadlay go’aanadda dowladda Kenya ee ku wajahan Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in Kenya looga baahan yahay in ay si sharci ah u marto hadii ay jirto tabasho ay ka qabto Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay cadaadiska ay Kenya ku heyso Soomaaliya,kadib markii dalkeeda ay kasoo celisay Xubno dowladda u shaqeeya,sidoo kalana ay xabsi dhigto muwaadiniin Soomaaliyeed.

Kenya ayaa qaadatay mudooyinkii dambe talaabooyin laga xumaado,waxayna dalkeeda kasoo celisay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.