Home Warar Faarax Macalin:-“Madax Goboleeyadda Waa in La Mariyaa Waddadii Cabdi Iley”,

Faarax Macalin:-“Madax Goboleeyadda Waa in La Mariyaa Waddadii Cabdi Iley”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiye ku-xigeenkii Hore ee baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin ayaa ka hadlay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo madax Goboleedyadda.

Waxa uu sheegay in madax Goboleedyadda Soomaaliya ay yihiin Agoonta Maamulkii Tigreeda ee dalka Itoobiya ka talin jiray sanado badan.

Faarax oo ah siyaasi aad ugu dhow Dowladda haatan jirta, ayaa sheegay in Raisulwasaaraha Ethopia uu xilka ka qaaday taliyayaashii Ciidanka Ethopia ee ku jira AMISOM kuwaas oo xiriir lalahaa Al-shabaab,islamarkaana ay haatan soo hareyn Madax Goboleedyadda oo xiriir la lahaa xukunkii hore ee Ethopia.

Ugu dambeyntii Siyaasi Faarax Macalin ayaa usoo jeediyay Madax Goboleedyada Soomaaliya in ay taageeraan Dowladda ama la marin doono wadadii Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida.