Home Warar Faah-Faahino:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Faah-Faahino:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta Qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Xaafadda Taleex degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Nooca Dhulka lagu aaso Miinada loo yaqaano ayaa lala eegtay mid kamid ah Gaadiidka ay isticmaalaan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay Labo askari oo Midi Dumar aheyd, Laba Kalana way ku dhaawacmeen.