Home Warar Faah-faahino:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay maqaayad ka soo horjeeda Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee School Polizio.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho dhaawac isugu jira.

Maqaayad la isku qarxiyay ayaa la sheegay inay ka mid tahay maqaaxidaha ay ka cunteeyaan dadka caadiga iyo ciidanka Booliska.

Weli faahfaahin lagama hayo cida lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana goobta uu ka dhacay xiray ciidamada amaanka DF.