Home Warar Faah-faahin:-Toogasho Caawa Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Toogasho Caawa Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Kooxo hubeysnaa ayaa caawa xiligii afurka waxa ay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ku dileen mid kamid ahaa Ganacsatada Sariflayaasha.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka masjidka C/raxmaan bin Cowf oo ku yaalla degmada waaberi,waxayna ragga hubeysnaa ay toogteen nin ganacsade ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aw Aadan.

Aw Aadan ayaa xili la tooganayay waxa uu ku sugnaa meel sidaas ugu fogeyn hoygiisa oo ku yaala Degmadda Waabari,waxaana goobta ka baxsaday durbadiiba kooxihii hubeysnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya nin ganacsade ahaa inuu ka mid ahaa ergooyinkii labo sano ka hor Magaalada Jowhar ee Hir-shabeelle ku soo doortay Xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Hirshabelle.