Home Warar Faah-faahin:-Sarkaal Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Sarkaal Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Kooxo hubeysan ayaa maanta Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaliya.

Ragg hubeysnaa ayaa qeybaha sare ee jirka waxa ay ka toogteen Maxamed Timo Jilic nin magaciisa lagu soo koobay oo mid kamid ahaa saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Sarkaalka la dilay ayaa Turjumaan u ahaa Ciidamada Cadaanka ee tababarada siiya ciidamada Xooga Soomaaliya ee lagu tababaro Warshadii Nac naca oo hada ah Xero ay degan yihiin Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ragg hubeysan ay falka ka dambeeyeen,islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

War Rasmi ah oo kasoo baxay Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu sheegay iney ciidamo gaar ah oo shabaab ka  tirsan ay muqdisho ku dileen oo kamid ahaa tababarayaasha Ciidamada Melleteriga dowladda Soomaaliya.