Home Warar Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax dhulka lagu aasay iyo Mid gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa Labo Qarax oo dhulka lagu aasay waxaa lagu eegtay  inta u dhaxeysa Cooca Coola & Warshada Baastada Degmadda Heliwaa ee Gobolka banaadir.

Qof ku sugnaa halka Ciidamadda AMISOM lagu qarxiyay ayaa sheegay in qarax koowaad uu dhacay,kadibna qarax Labaad lala eegtay Ciidamada AMISOM oo halkaas marayay,daqiiqana u dhaxeeyeen qaraxyadda.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas furay,qaraxyadda kadib.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaarha ka dhashay Qaraxyadda Degmadda Heliwaa ee AMISOM lagula eegtay.

Dhanka kale Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa ka dhacay Laami Yaraha Zoobe Degmadda Hodan,waxaana la sheegay gaariga la qarxiyay uu saarnaa hal qof kaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga la qarxiyay uu lahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamanka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka Gaariga iska leh ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar oo ka mid ah Xildhibaannada Koofur Galbeed sidoo kalena wasiir ka soo noqday maamulka Koofur Galbeed.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana socda baaritaano.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyadda ka dhacay magaaladda Muqdisho.