Home Warar Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Baydhabo+Sawirro

Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Baydhabo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya magaaladda Baydhabo ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in qaraxyo ay ka dhaceyn Magaaladaas.

Mid ka mid ah qaraxyada wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Bilaal, halka midka kalena uu ka dhacay agagaarka maqaayada Albadri ama irid aamin.

Qaraxyadan oo is-xigxigay ayaa midka hore wuxuu ahaa bambo gacmeed lagu weeraray hotel la yiraahdo Bilan, halka midka kalena nin isku soo xiray jaakad qarax ku xiran yahay uu ku weeraray maqaaxida Beder.

Saraakiil ka Tirsan koonfur galbeed Soomaaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in qaraxyadda ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale Isbitaalka magaaladda baydhabo ayaa la geeyay dhaawacyo.