Home Warar War Deg Deg:-Qarax Laga Maqlay Magaaladda Muqdisho

War Deg Deg:-Qarax Laga Maqlay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda dalka.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa lagu weeraray xarunta Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari kuwa raaxadda ah,islamarkaana lala galay xarunta Degmadda Warta-nabadda oo si weyn loo ilaaliyo oo raashiin loogu qeybinayay maalmahaan dad masaakiin ah.

Sidoo kale goobjoogaha ayaa sheegay in dad fara badan ay ku dhinteen qaraxa,madaama dad fara badan ay goobta ku sugnaayeen.

Ciidamadda amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda gurmad loo fidinaayo dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Xarunta Degmada Warta-Nabada ayaa ku taalla dhabarka dambe ee Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana ay dhowr tallaabo u jirtaa Madaxtooyada.

Wixii kusoo kordha kala soco Gundhig.com