Home Warar Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Agagaarka Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ahaa noocaa Jaakadaha loo adeegsado,islamarkaana uu watay Nin dhalinyaro ahaa.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka Tirsan Kuwa Booliska iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa hareeraha  Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Weyne.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadda Booliska Saldhiga Xamar Weyne oo ceyrsanaya uu ninka isqarxiyay,taasina ay  keentay khasaare kala duwan.