Home Warar Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo  kala duwan laga maqlay ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo la sheegay inuu xoog ku dhaafay bar-koontarool oo ku taalla nawaaxiga hotel Dayax, waxaana rasaas ku furay ciidamada amniga, isaga oona kadib ku qaraxay isgoyska Sayidka oo ay koontarool kale ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac islamarkaana goobta ay gaareen Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.