Home Warar Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Saldhiga Turky-ga ee Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Saldhiga Turky-ga ee Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saakay ka dhacay Xiradda Turksom ee ku taallo Degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho.

Xiradaan ayaa waxaa lagu tababaraa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Ciidanimadda loo qaato,waxaana Tabaradda bixiya Macalimiin u dhalatay dalka Turky-ga.

Qaraxaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu fuliyay ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, islamarkaana isku dayay inuu dhex galo dhalinyaro loo qoraayay Ciidannimo.

Ciidamada joogay Koontaroolka Xerada Turksom, ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ruuxaan, kadibna rasaas ay ku fureen, balse ruuxii waxyaabaha Qarxa isku soo xiray ayaa ayaa isqarxiyay.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Xiradda Turksom ee ku taallo Degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho.