Home Warar Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ku Xirnaa Gaari oo Duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe gaar ahaan agagaarka Hotel Safari ee magaaladda muqdisho.

Gaari noociisa uu yahay Surf ayaa la sheegay in halkaasi uu ku qarxay, kadibna uu gabi ahaanba gaariga ku gubtay,wuxuuna saameeyay goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalo agagaarka Hotelka Beder.

Dhanka kale Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Magaaladda muqdisho,iyo cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa.