Home Warar Faah-Faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-Faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Gaari Lagu Xiray oo Caawa ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,Qaraxa ayaa Ka dhacay Xaafadda buul-xubey Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaasha ayaa Sidoo kale Sheegay in qaraxu uu burbur u geystay gaariga balse uu ka badbaaday qofkii la socday oo la sheegay inuu ahaa nin ganacsade ah oo aan magaciisa la sheegin.

Dhanka kale goobta uu Qaraxa Ka Dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.