Home Warar Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Qarax Gaari lagu xiray ayaa abaare 07:15-daqiiqo ee saakay waxa uu ka dhacay Magaaladda Muqdisiho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha Cusub ee Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu gaariga ku xirnaa,balse uusan geysanin khasaare sidaas u badan.

Inta la xaqiijiyay waxaa Qaraxa dhaawac fudud uu kasoo gaaray qof goob ganacsi ku lahaa agagaarka dhismaha Cusub ee Saldhiga Degmada Waaberi.

Qaraxa kadib ciidamadda Dowladda Soomaaliya aaya gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobyo shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxa.

Ilaa haatan lama oga cida la doonayay in qaraxaan lagu dilo,xili qaraxyadda sidaan oo kala ah ay kusoo bateyn Magaaladda Muqdisho.