Home Warar Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo cusleyd islamarkaana laga maqlay Xaafaddo kamid ah Degmooyinka Muqdisho ayaa ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Digfeer Degmada Hodan.

Sida naloo xaqiijiyay, qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ka shakiyeen ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu soo dhaafo mid kamid ah Jidadka Xiran, oo ay fadhiyaan ciidamadda Dowladda Soomaaliya, balse uu ka gudbi waayay,waxaana la socday hal ruux.

Ciidamadda Booliska ayaa isku dayay in nolosha ay ku qabtaan qofka gaariga waday oo la sheegay in uu gaariga isku xiray ugu dambayna uu qarxay.

Qaraxa inta uusan dhicin ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa riday xabado fara badan kuwaasi oo dadka loogu sheegayay in gaari qarax sida uu yaalo Isgoyska Digfeer Degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyay 1-ruux ayaa ku dhintay,11-kalana way ku dhaawcmeen kuwaasi ku sugnaa meel ku dhow isbitaalka Digfeer Degmadda Hodan.

Qaraxaan ayaa imaanaya xili Muqdisho maalmihii dambe uu amnigeeda soo hagaagayay,waxayna ciidamadda amaanka kordhiyeen howlgaladda loogu hortagayo qaraxyadda ay fuliyaan maleeshiyaadka Al-shabaab.