Home Warar Faah-faahin:-Qarax ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

Faah-faahin:-Qarax ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda  Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug.

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid xoogan oo aan la xaqiijin karin nuuca uu ahaa

Waxaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaare iskugu jira dhimasho dhaawac farabadan oo wali aan la tira koobin

Gudoomiye ku xigeenka degmada galkacyo oo la Hadlay warbaahinta  ayaa waxa uu inoo xaqiijiayay in qarax xoogan uu goordhaw ka dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada galkacyo ismarkaasna uu khasaaro kala duwan uu ka dhashay qaraxaasi.

Waxaana uu gudoomiyuhu tilmaamay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 6 qofood balse aysan xaqiijin tirada dhimashada ee ka dhalatay weerarkan xoogan ee lagu qaaday magaalada gaalkacyo.

Shabaab ayaa inta badan Sheegta Mas’uuliyadda Qaraxyadda ka Dhaca Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.