Home Warar Faah-faahin:-Qarax Geystay Khasaare oo Ka Dhacay Muqdisho+Sawirro

Faah-faahin:-Qarax Geystay Khasaare oo Ka Dhacay Muqdisho+Sawirro

SHARE

Mudisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari lagu xiray oo galabta ka dhacay Isgoyska Ex Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay meelo kala duwan,waxaana la xaqiijiyay in uu geystay khasaare dhaawac ah.

Gaariga qarxay ayaa waxaa lahaa Cabdullaahi Daahir oo ka mid ah Shaqaallaha gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka badbadaay Qaraxaasi.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay Ex Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay.