Home Warar Qarax Geystay Khasaare oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho!

Qarax Geystay Khasaare oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax miino oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Degmadda Hodan, ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhaw Isbitaalka Digfeer.

Qaraxa oo dhulka aasnaa ayaa qabsaday gaari dagaal ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaas marayay,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen qaraxaasi inuu sababay dhimashada laba Askari oo saarnaa gaariga Cabdi bilaha ah iyo ruux watay Mooto Bajaaj oo wadada marayay, kaasi oo isagana qaraxa ku dhintay.

Qaraxa kadib ciidamadii kale ee qaraxa ka badbaaday ayaa furey rasaas aan ilaa haatan aan la ogeyn khasaaraha ay dhalisay, madaama dad shacab ah ay wadada marayeen.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyada qaraxyadda lala eegto ciidamadda Dowladda Soomaaliya.