Home Warar Faah-faahin:-Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Xaaafada Maana Booliyo ee Degmadda Shibis,waxaana gaarigiisa loogu xirey  nin Magaciisa lagu sheegay Cabdala Axmed Cabdala “Shiikh Nuur Codey”.

Sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen Codey ayaa isla goobta ku dhintay,wuxuuna kamid ahaa Jaaliyadda Yamane e ku sugan Degmada Shibis.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federalka Soomaaliya,waxaana socday baaritaan.

Lama oga cida ka dambeysay qaraxaan.