Home Warar Faah-faahin:-Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin:-Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu xiray gaari Nooca Soomalida u taqaano Hilux oo goordhaweyd ka dhacay Muqdisho.

Qaraxaan oo laga maqlay qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladda Muqdisho ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa inoo sheegay in qaraxa uu gaariga ku xirnaa islamarkaana uu qarxay xili uu socday.

“Walaalow gaari nooca Soomaalida u taqaano Hilux oo qarax ku xirnaa ayaa ku qarxay isgoyska taleex Degmada Hodan,gaariga waxaa saarnaa labo ruux oo midi uu yahay nin cadaan ah, labadaba way dhaawacmeen,waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka”, ayuu yiri Goobjoogaha.

Ilaa haatan lama oga waxa ay ahaayen dadka ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Isgoyska Taleex Degmadda Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca bishaan Ramadaan,inkastoo habeen ka hor mid macmal ah uu ka dhacay agagaarka Xarunta C.I.D ee Booliska Soomaaliyeed.