Home Warar Faah-faahin:-Qarax ay Ku Dhinteen Xubno Shabaab ahaa oo Ka Dhacay Bariire

Faah-faahin:-Qarax ay Ku Dhinteen Xubno Shabaab ahaa oo Ka Dhacay Bariire

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax xooganaa uu ka dhacay halkaas.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Guri ku yaala Deegaanka Bariire oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay labo ka Tirsanaa Al-shabaab oo guriga ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay arkayeen laba nin oo Meyd ah oo laga soo saaray guriga ku yaala deegaanka oo uu ka dhacay qaraxa.

Sidoo kale Ciidanka Dowladda ee ku sugan Bariire ayaa gaaray halka uu ka dhacay Qaraxa oo ay ku geeriyoodeen Maleeshiyada Shabaab dhibaatadii ay la doonayeen shacabka ay iyaga ku habsatay.