Home Warar Faah-faahin:-Nabadoon Caawa Lagu Dhaawacay Magaaladda Kismaayo

Faah-faahin:-Nabadoon Caawa Lagu Dhaawacay Magaaladda Kismaayo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya magaaladda kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa ku waramaya in caawa maqribkii Magaaladaas lagu dhaawacay Nabadoon caan ka ahaa gobolada Jubooyinka.

Kooxo Bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Nabadoonka oo lagu magacaabo Axmed Jaamac Qalyar,xili uu kusii jeeday Masaajid,waxaana soo gaaray dhaawac culus.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa loola cararay isbitaal kuyaala magaalada Kismaayo halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad, lamana oga ilaa hada cida ka dambeesay falkan lagu dhaawacay Nabadoonka.

Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar ayaa kamid ahaa mudooyinkii dambe Golaha isbadal doonka Jubbaland ee Maamulka Axmed Madoobe kasoo horjeeda,wuxuuna dhawaan hadalo uu ku weeraray madaxweynaha dib loo doortay.