Home Warar Faah Faahin:-Madaafiic Lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

Faah Faahin:-Madaafiic Lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

SHARE

Gundhig-Waxaa madaafiic ay ku soo dhacday meel u dhaw madaxtooyada
Soomaaliya waxaana ka dhashay khasaaro
dhaawacyo ubadan.

Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye
ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku
shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore
ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo kuwii ka
horeeyay oo ku yaala Albaabka madaxtooyada
Soomaaliya.

Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex
fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya,
ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacntay waxayna
wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto dhimasho
soo gaartay dad shacab oo Guryahooda
madaafiicda qaar ay ku dhacday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto
madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka
jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale
Guriga Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala
Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga
Golohii hore ee Wasiirada Soomaaliya.