Home Warar Faah-faahin ku Saabsan Qaraxii Saakay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahin ku Saabsan Qaraxii Saakay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa saakay waxa uu ka dhacay Magaaladda muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday kasoo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,iyada oo lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala beegsaday uu lahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fedraalka Soomaaliya in kasta oo ilaa iyo haatan aysan jirin cid xaqiijin karta arrintaasi.

Dhanka kale Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhawacmay darawalkii gaariga waday,waxaana loola caray goobaha caafimaadka Magaaladda muqdisho.