Home Warar Faah-faahin:-Iska Hor Imaad ka Dhacay Magaaladda Kismaayo

Faah-faahin:-Iska Hor Imaad ka Dhacay Magaaladda Kismaayo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa sheegaya inuu ka socdo Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Ciidan taabacsan C/naasir Seeraar oo ka mid ah Golaha Is bedel doonka Maamulka Jubbaland.

Iska hor imaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay waddo la xiray, iyadoo ay jirtay in ammaanka aad loo adkeeyay, maadaama magaalada Kismaayo uu booqasho ku gaaray Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Yamamoto.

Wali lama Xaqiijin khasaaraha ka dhashay Dagaalka, balse waxaa lagu soo maramayaa in ciidanka Jubbaland ay ku sugan yihiin Isgoysyada Magaalada.