Home Warar Faah-faahin:-Hoobiyayaal Lagu Weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya

Faah-faahin:-Hoobiyayaal Lagu Weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo goordhaweyd lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyayaasha oo gaarayay ilaa 3-hoobiye ayaa ku dhacay sida naloo xaqiijiyay Xaafadda Cagadhiig ee Degmada Warta Nabadda iyo Xaafadaha kale ee ku dhaw.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen dhismayaal ku yaallo gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya,balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda hoobiyayaasha lagu weeraro madaxtooyadda Soomaaliya.