Home Warar Faah-faahin;-Guri Caawa Ku Dumay Degmadda Xamar-weyne+Sawirro

Faah-faahin;-Guri Caawa Ku Dumay Degmadda Xamar-weyne+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guri ka kooban saddex dabaq ayaa caawa ku dumay dadkii deganaa Degmadda Xamar weyne ee gobolka banaadir, waxaana socoto gurmadka dadka lagu baadi goobayo bur burka hoostiisa.

Ilaa iyo hadda shan qof ayaa laga soo badbaadiyay guriga dumay oo ku yaala xaafadda Raqayga ee Degmada Xamar Weyne, halkaasi oo ay iminka ku suganyihiin gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka xaafada oo iskaashanaya.

Lama oga qeybta hoose ee guriga tirada dadka ku jiray, balse waxaa socoto dadaal lagu baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismaha dumay.

Sidoo kale Lama oga sababta keentay inuu gurigan soo dumo hase yeeshee guryaha dabaqyada ah ee ku yaal degmada Xamarweyne ayaa u badan kuwo muddo dheer dhisnaa.